Suxufi mucaarad ku ahaa boqorka Saudi Arabia oo lagu la'yahay Turkiga

Image

ISTANBUL - Suxufi u dhashay dalka Sacuudiga ayaan dib loo arag tan iyo markii uu gudaha u galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, horraantii toddobaadkan.

Jamal Khashoggi, oo wax ku qori jiray wargyeksa Washington Post, ayaa si dibad-joog oo iskiis ah ugu noolaa dalka Mareykanka tan iyo sanadii tagtey markii mas’uuliyiinta Sacuudiga ay billaabeen inay aamusiyaan codadka mucaaradka.

Suxfigan ayaa aad u dhaliili jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Khashoggi ayaa qunsuliyadda galay maalintii talaadada si uu uga soo qaato warqado la xiriira meherkiisa.

Gabadha jaceylkiisa ah ayaa ku sugeysay bannaanka qunsuliyadda, hase yeeshee Khashoggi dib ugama soo bixin dhismaha, sida ay sheegtay.

Waxa ay mas’uuliyiinta Turkiga ku war-gelisay in la la’yahay, waxayna u yeereen safiirka Sacuudiga. Warbaahinta ayaa sheegtay in safiirka uu la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Turkiga, arbacadii.

Kadib kulanka ayaa Saudi Arabia waxay beenisay inay xirtay Khashoggi.

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM