Syria: Jamhadaha Kurdishka oo la wareegey Kobane

Image

January 27, 2014 (GO)- Dagaalyahanada Kurdishka ah ee Peshmerga ayaa la wareegey magaalada Kobane ee ku taala waqooyiga dalka Syria, halkaasoo muddo afar bilood ah dagaalo ku dhex marayeen iyaga iyo mileeshiyaadka kooxda xagjirka ah ee Daacish (IS).

Peshmerga ayaa lagu soo warmayaa in xilligan ay gacanta ku hayso 90% magaalada, waxayna ku guuleysatey inay dib u riixdo xoogaga IS oo iyagu khasaare lixaad leh kala kulmey duqeymaha dhanka cirka ee Maraykanka iyo xulafadiisu ku taageerayaan jamhadaha Kurdishka.

Dagaalka magaalada Kobane oo soo bilowdey bishii September ee lasoo dhaafey, waxaa ku geeriyoodey in ka badan 1,600 oo qof sida uu baahiyey urur madax banaan oo u dooda xuquuqul insaanka dadka Syria, fadhigiisuna yahay magaalada London.

Wadamada Reer Galbeedka iyo dalalka Carabta qaarkood ayaa taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiya jamhadaha Kurdishka si ay ula dagaalamaan ururka xagjirka ah ee IS una difaacaan magaalooyinkooda. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu oo Is Casilay Bil Kadib Markii Loo Magacaabay Xafiiska

Xasilooni darrada siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa caqabad ku noqotay dadaallada dowladda Faransiiska ee lagu xallinayo caqabadaha.

  • Caalamka

    06-10-2025

  • 11:42AM

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM