Taiwan oo u jawaabtay dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha

Image

TAIPEI, Taiwan – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa waxay kasoo jawaabtay diidmadda dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha ee xiriirka ay ka yeelatay maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Joanne Ou, afhayeenka wasaarada oo war-fidiyeenka la hadashay, ayaa shaaca ka qaadey in aysan u dhutin doonin hadalada kasoo yeeray xukuumadaha Muqdisho iyo Bejing ayna sii wadayaan cilaaqaadkooda.

"Taiwan uma baahna fekradaha Beijing ee la xiriira iskaashiga ay la yeelaneyso wadamada kale," ayay hadalkeeda raacisay.

Waxay intaas ku dartay: "[Qaranka] Taiwan ma ahan qayb kamid ah dhulweynaha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, horeyna uma aysan soo xukumin, xitaa ha noqotee maalin qura".

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmajo, iyo safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho, oo ku kulmay madaxtooyadda ayaa cambaareeyay xiriirka labada dhinac oo ay ku sifeeyeen "xadgudub".

Wasaarada Arrimaha Dibada Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay iskaashiga Taiwan iyo Somaliland ayaa xusuusisay maamulka Hargeysa in uu hoostago dowlada Soomaaliya uuna ixtiraamo qaranimada.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Muqdisho, Qin Jian, ayaa laba jeer booqdey Somaliland kaliya sanadkan 2020 "si uu ugu qanciyo in aysan cilaaqaad la yeelan Taiwan" balse waxaa muuqaneysa in uu kusoo fashilmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM