Taliban oo ka hadashay in Ghani uu ku laaban karo Afghanistan

Image
Madaxweynihii Afghanistan ayaa u cararay Imaaraadka markii kooxda hubeysay ay talada la wareegatay.

KABUL, Afghanistan - Taliban ayaa sheegtay "cafis u fidisay" madaxweyne Ashraf Ghani iyo ku xigeenkiisa Amrullah Saleh, waxayna u oggolaadeen inay ku laabtaan Afghanistan "haddii ay rabaan inay soo guriya noqdaan".

Isagoo la hadlaya Geo News oo fadhigiisu yahay Pakistan, hoggaamiyaha sare ee Daalibaan Khalil ur Rahman Haqqani ayaa yiri "wax cadaawad ah ma jirto" oo u dhexeeya kooxda iyo Ashraf Ghani, Amrullah Saleh iyo la taliyihii hore ee amniga qaranka, Hamdullah Mohib.

Ghani wuxuu ku sugan yahay Imaaraadka Carabta. Muuqaal uu halkaas kasoo duubay wuxuu ku sheegay in uu dalka uga tagay "si uusan dhiig ku daadan caasimada ay ku nool yihiin malaayiin ruux".

"Waxaan cafineynaa qof walba dhammaadkeenna; laga bilaabo jeneraalka [oo nagala soo dagaalamay dagaalka] illaa ninka caadiga ah," ayuu yiri Haqqani oo kamid ah horjoogeyaasha dhanka ammaanka.

Dadka shacabka ah ee ka cararaya Afghanistan ayuu cod dheer ugu booriyey in ay baaqi ku ahaadan dalkooda. "Tajiks, Balochs, Hazaras iyo Pashtuns waa dhammaan walaalaheena," ayuu raaciyay.

"Dhammaan dadka reer Afgaanistaan ​​waa walaalaheen sidaa darteedna waxay kusoo laaban karaan dalka," ayuu yidhi. "Sababta kaliya ee cadaawadeena waxaa waday hammiga ah in nidaamka la beddelo.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa: "Nidaamka hadda wuu is beddelay". Bishan Ogosto 15-keedii ayay ahayd markii Taliban ay gashay Kabul kadib markii ay ka baxeen ciidamada Mareykanka horkacayey.

Dalal badan ayaa tan iyo xilligaas bilaabey daad-gureynta muwaadiniintooda iyo shaqaalahooda diblomaasiyadeed ee Afghanistan. Banaanbaxyo ka dhan ah Daalibaan ayaa ka socda meelo kala duwan oo caalamka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM

Erdogan iyo Bin Salman oo Khadka Taleefanka kaga Wada Hadlay Xiisadda u Dhaxeysa Israel iyo Iran

Erdogan wuxuu si gaar ah u xusay in Israel la joojiyo tahay-na tallaabada keliya ee lagu….

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 04:46PM