Taliye Boolis oo diiday inuu u hogaan-samo codsi madaxweyne

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Pujith Jayasundara, taliyaha Booliska Sri Lanka ayaa lagu waramayaa in tan iyo Jimcadii uu diidan yahay in uu is-casilo.

Codsiga is-casilaada ayaa ka yimid madaxweynaha dalkaasi, Maithripala Sirisena, kaasi oo magacaabay ninkii bedeli lahaa Jayasundara.

Maithripala ayaa ku xigeenka taliyaha bileyska, Chandana Wickramaratne, ka dhigay sii haayaha xilka madaxa guud ee Booliska Sri Lanka.

Lama ogga sababta ku kaliftay Pujith Jayasundara in uu ku gacan-seyro dalabka madaxweynaha, wallow uusan wali ka hadlin.

Tani ayaan kusoo aadeysa iyada oo lagu eedeeyay Pujith Jayasundara in uusan fulin digniino dhinaca amaanka ah loo gudbiyey.

Digniinada ayaa ku saabsanaa weerarada Axadii gil-gilay Sri Lanka ee lagu dilay ku dhowaad 300 ruux oo u badan Masiixijiin cibaadeysaneysay.

Todobadkii lasoo dhaafey ayay ahayd markii Wasiirka Gaashaandhiga, Mr Hemasiri Fernando, uu isku casilay kadib dalab uga yimid madaxweynaha.

Hemasiri ayaa xafiiska u baneeyay fashil amni iyo in ay ku guuldareysteen helitaanka xogta qaraxyadaasi ay dusha saaratay kooxda Daacish.

Sri Lanka ayaa lagu soo rogay xaalad degdeg ah tan iyo weeraradii dadka badan lagu khaariyay, iyadda uu howlgalo la sameeyay lagu soo qabtay 150 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Warbaahinta CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 07:32AM

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM