Thailand oo loogu baaqay sii daynta muhaajiriin Somalia ku jirto

Image

16 September, 2015(GO)-Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Thailand inay sii dayso muhaajiriin lagu xiray hawlgal ay sameeyeen ciidamada waddankaasi.

Dadkan oo lagu xiray caasimadda Bangkok, waxaa ka mid ah 7 caruura oo ka soo jeeda wadamada Somalia iyo Bakistan.

Waxay haystaan dukumeentiyo caddaynaya inay yihiin qaxooti, oo ay u sameysay hay’adda UNHCR oo Qarmada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaysa inay sharci darro tahay xiritaanka qaxooti haysta waraaqo caddayn ah, waxayna ka codsatay dowladda Thailand inay sii dayso muhaajiriinta u xiran.

Bishan 10-keeda ayay ahayd markii ciidanka booliska Thailand howlgal ay ka sameeyeen guri ku yaalla caasimadda Bangkok lagu xiray qaxooti u kala dhashay Somalia iyo Bakistan, waxaana ku jira 7 caruur ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM