Tirada dadka lagu la'yahay qaraxyadii Beirut oo lasoo bandhigay

Image

BEIRUT, Lubnaan – In ka badan 60 qof ayaa wali lagu la'yahay qaraxyadii ka dhacay Beirut afar maalmood kadib "musiibadii" galaaftay nolosha 150 ruux, sidda ay warisay Wasaaradda Caafimaadka dalkaas.

Wakaaladda wararka AFP ayaa tabisay in tiradda dhimashadda ay mareyso 154, kuwaas oo 25 kamid ah aan wali la aqoonsan.

"Ugu yaraan 120 kamid ah shanta kun bukaan ee dhaawaca ah ayay xaaladoodu halis tahay," ayuu yiri mas'uul u hadlay wasaaradda.

Qaraxyadii ka dhacay Bayruut oo ka dhashay waxyaabo qarxa oo lixdii sano ee lasoo dhaafay ku keydsanaa guri ku dhow dekada magaaladaas ayaa loo xir-xiray mas'uul, kuwaas oo baaritaano wajahaya.

Madaxweynaha France, Emmanuel Macron, ayaa tilmaamay in uu martigelin doono shir caalami ah, kaasoo dhaqaale loogu uruurinayo Lubnaan. Shirkaan wuxuu ku qabsoomayaan aalada fogaan aragga ah.

Qaramada Midoobay ayaa shir-gudoonka qayb ka ah noqon doonta. Hadafka loo qabanayo shirkaas waxaa kamid ah in lagu uruuriyo dhaqaale dib loogu dhiso Bayruut oo burbur xoogan uu soo gaarey.

Donald Trump, madaxweynaha Mareykanka, ayaa kamid ah dhinacyadda ka qeybgeli doona shirkaas oo aan wali la muddeynin.

Macron, oo Khamiistii lasoo dhaafay booqdey Bayruut, ayaa wuxuu balanqaadey in ay cadaaladda wajahayaan "kuwii ka dambeeyay".

Warbixin horudhac ah ayaa tibaaxeysa in ka badan saddex kun oo ruux ay ku guryo beeleen qaraxyadda oo tankooda lagu sheegay in ay ka badnaayeen laba kun isla markaana sababay dhul-gariir aad u xoogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM