Tirada dhimashada iyo dhaawac ee banaanbaxyada Iraq oo la shaaciyey

Image

BAGHDAD, Iraq – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq ayaa Axadda maanta ah xaqiijisay in mudaaharaadyadda ka socda dalkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 104 qof.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda ayaa daboolka ka qaaday in lixdan kun oo ruux ayna ku jiraan saraakiil boolis ay ku dhaawacmeen banaanbaxyadda oo sii xoogeysanaya.

Warbaahinta maxaliga ayaa waxay ku warameysaa in qaar kamid ah dadka geeriyooday ay ku naf-waayeen rasaas ka timid ciidamada ammaanka gaar ahaan bileyska.

Balse xukuumadda ayaa gaashaanka u daruurtay arrintaasi, iyadda oo xustay in askarta ay xabadaha u ganayaan cirka si ay u kala er-yaan dibad-baxayaasha.

Isu soo baxyadda oo ka dhashay kala sarreynta dabaqadaha dadka ayaa ka bilowday caasimada Baghdad, balse waxay kusii baaheen magaalooyinka kale ee wadankaas.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Cabdalla Mahdi oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa balanqaaday in uu dib u habeyn sameyn doono kadib mudaaharaadyadda.

War qoraal ah oo Golaha Wasiiradda kasoo baxay ayaa waxaa lagu tibaaxay in dib u habeynta ay ku saabsan tahay; bixinta guryo, qalabka ciidanka iyo nolosha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM