Tirada dhimashada iyo dhaawac ee banaanbaxyada Iraq oo la shaaciyey

Image

BAGHDAD, Iraq – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq ayaa Axadda maanta ah xaqiijisay in mudaaharaadyadda ka socda dalkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 104 qof.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda ayaa daboolka ka qaaday in lixdan kun oo ruux ayna ku jiraan saraakiil boolis ay ku dhaawacmeen banaanbaxyadda oo sii xoogeysanaya.

Warbaahinta maxaliga ayaa waxay ku warameysaa in qaar kamid ah dadka geeriyooday ay ku naf-waayeen rasaas ka timid ciidamada ammaanka gaar ahaan bileyska.

Balse xukuumadda ayaa gaashaanka u daruurtay arrintaasi, iyadda oo xustay in askarta ay xabadaha u ganayaan cirka si ay u kala er-yaan dibad-baxayaasha.

Isu soo baxyadda oo ka dhashay kala sarreynta dabaqadaha dadka ayaa ka bilowday caasimada Baghdad, balse waxay kusii baaheen magaalooyinka kale ee wadankaas.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Cabdalla Mahdi oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa balanqaaday in uu dib u habeyn sameyn doono kadib mudaaharaadyadda.

War qoraal ah oo Golaha Wasiiradda kasoo baxay ayaa waxaa lagu tibaaxay in dib u habeynta ay ku saabsan tahay; bixinta guryo, qalabka ciidanka iyo nolosha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM

Trump: “Iran iyo Israel way jebiyeen Xabad-joojintii”

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajeynayay in xabbad-joojin la ilaaliyo, isagoo tilmaamay in Iran ay sameysay waxyaabo khaldan.

  • Caalamka

    24-06-2025

  • 11:15AM