Tobanaan lagu dilay is-miidaamin lagu weeraray munaasabad Aas ah

Image

KABUL, Afghanistan – Tobanaan ruux ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen qarax is-miidaamin ah oo lagu beegsaday Aas, bariga Afghanistan, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Sidda uu xaqiijiyey Atahullah Khogyani afhayeenka gudoomiyaha gobolka Nangarhar, naftii-haligaha ayaa wuxuu isku dhex-qarxiyey bartamaha munaasabadda duugta oo ka socotay degmada Khewa.

"Warar horudhac ah ayaa sheegaya in ku dhowaad 40 ruux ay ku naf-waayeen kuna dhaawacmeen weerarka," ayuu yiri Talaadada maanta ah.

Aaska, sidda uu ka dhawaajiyey Khogyani oo warbaahinta la hadlay, ayaa loo sameynayey taliye ciidan oo ku dhintay weerar dhacay habeenimadii Isniinta kaasoo loo adeegsaday bam lagu beegsaday dad badan.

Dhanka kale, dagaalameyaal ayaa weeraray isbitaal dhalmo oo dhinaca galbeed kaga aadan caasimada Afghanistan ee Kabul, sidda ay xuseen mas'uuliyiin, intaas ku daray in ay dab-qabad-siiyeen. Ma cadda khasaaraha.

Falaagada Taliban ayaa inta badan dusha saarta weeraradda noocaan ah ee ka dhaca waddankaas, wallow ay ka howlgasho kooxda Daacish.

Afghanistan ayaa kamid ah dalalka caalamka ee ugu amniga liita. Tobanaan sano ah waxaa ka socda colaado galaaftay nolosha rayid badan. Taliban oo mas'uul ka ah geerida ugu badan waxay diidan tahay ciidanka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

  • Caalamka

    22-06-2025

  • 11:57AM

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM