Tobanaan lagu dilay is-miidaamin lagu weeraray munaasabad Aas ah

Image

KABUL, Afghanistan – Tobanaan ruux ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen qarax is-miidaamin ah oo lagu beegsaday Aas, bariga Afghanistan, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Sidda uu xaqiijiyey Atahullah Khogyani afhayeenka gudoomiyaha gobolka Nangarhar, naftii-haligaha ayaa wuxuu isku dhex-qarxiyey bartamaha munaasabadda duugta oo ka socotay degmada Khewa.

"Warar horudhac ah ayaa sheegaya in ku dhowaad 40 ruux ay ku naf-waayeen kuna dhaawacmeen weerarka," ayuu yiri Talaadada maanta ah.

Aaska, sidda uu ka dhawaajiyey Khogyani oo warbaahinta la hadlay, ayaa loo sameynayey taliye ciidan oo ku dhintay weerar dhacay habeenimadii Isniinta kaasoo loo adeegsaday bam lagu beegsaday dad badan.

Dhanka kale, dagaalameyaal ayaa weeraray isbitaal dhalmo oo dhinaca galbeed kaga aadan caasimada Afghanistan ee Kabul, sidda ay xuseen mas'uuliyiin, intaas ku daray in ay dab-qabad-siiyeen. Ma cadda khasaaraha.

Falaagada Taliban ayaa inta badan dusha saarta weeraradda noocaan ah ee ka dhaca waddankaas, wallow ay ka howlgasho kooxda Daacish.

Afghanistan ayaa kamid ah dalalka caalamka ee ugu amniga liita. Tobanaan sano ah waxaa ka socda colaado galaaftay nolosha rayid badan. Taliban oo mas'uul ka ah geerida ugu badan waxay diidan tahay ciidanka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM