Tobban qof oo lagu dilay toogasho gudaha Mareykanka

Image

WASHINGTON, USA – Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday dukaan weyn oo ku yaal magaalada Boulder, gobolka Colorado ee dalka Mareykanka waxaana la qabtay tuhmane lagu dhaawacay dhacdadaas, sidda ay saraakiishu sheegeen.

Taliyaha booliska, Boulder Maris Herold, ayaa midnimo u muujisay qoysaska dadkoda kuwaayey falkan, iyadoo tirada dhimashada kaga dhawaaqday shir jaraa’id habeenimadii Isniinta.

"Dhibanayaasha waxaa ku jiray sarkaal booliis ah," ayay tiri. FBI-da iyo wakiilo ka socda Xafiiska Maandooriyaha, Tubaakada, Qoryaha fudud iyo walxaha qarxa ayaa ka caawinayay booliska iyo ku xigeenada ciidanka ilaalada degaaka baaritaanka.

Sidda laga soo xigtay xeer ilaaliyaha degmada Boulder Michael Dougherty, qoysaska dhibbanayaasha wali waxaa lagu wargelinayaan macluumaadka si ay u helaan magacyadda dadkooda.

"Tani waa musiibo iyo cabsi soo food saartay Gobolka Boulder, ka falcelinta, waxaan iskaashi iyo gargaar kala leenahay mas'uuliyiinta maxalliga, gobolka iyo federaalka," ayuu raaciyay.

Toogashadu waxay ka dhacday abbaaraha 3-da galabnimo ee waqtiga maxalliga ah (21:00 GMT) dukaanka weyn ee King Soopers oo ku yaal aagga Table Mesa ee Boulder, oo ah magaalo ku taal cagaha bari ee Rockies oo qiyaastii 28 mayl u jirta (45 kiiloomitir) waqooyi-galbeed Denver.

Weerarka ayaa noqonaya kii toddobaad ee dad badan lagu dilo sannadkan gudaha Mareykanka, sida lagu sheegay xog ururin ay sameeyeen The Associated Press, USA TODAY iyo Jaamacadda Northeastern, waxaana ay daba socdaan toogasho 16-kii Maarso oo ay ku dhinteen sideed qof kana dhacdey saddex goobo ganacsi oo ku yaal aagga Atlanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Iiraan waxay u baryaysaa heshiis, waxaana miiska saaran inaan la wareegno saliidooda"

Trump ayaa ku faanay in hawlgallada milatari ee ka dhanka ah Iiraan ay u socdaan si ka dhaqso badan sidii la filayay.

  • Caalamka

    26-03-2026

  • 06:07PM

Israa'iil oo dishay Taliyihii Ciidamada Badda Iiraan xilli khasaaruhu sii kordhayo

In kasta oo bartilmaameedyadu u muuqdaan kuwo military, haddana khasaaraha dadka rayidka ah ayaa ah mid aad u baaxad weyn.

  • Caalamka

    26-03-2026

  • 04:18PM