Toogasho ka dhacday meel ku dhow safaarada Ukraine ee London

Image
Image
Image

LONDON, UK – Booliska ayaa rasaas furay iyaga oo ku sugan Galbeedka London aroornimadii shalay oo Sabti hayd markaasi oo ay ka jawaabayeen isku dhac gaari.

Safaarada wadanka Ukraine ayaa sheegtay in gaariga danjiraha si ola kac ah loo dar-daray xili uu ku jiray qaybta la dhigto gawaarida ee dhismaha.

Markii uu saraakiishu yimaadeen goobta, gaari ayaa dhinacooda loosoo kaxeeyay, sida uu wariyay bileyska caasimada Ingiriiska, taasoo keentay in ay tacshiirad hubiyaan.

Saraakiisha ayaa adeegsaday qoryaha yar-yar iyo aalada dadka qalijisa kahor inta aysan soo xirin ninkii waday baabuurka.

Bileysku wuxuu tilmaamay in ninka oo aanan dhaawacmin la geeyay isbitaalka dhexe ee magaaladda London si loo daaweeyo.

"Waxaan ku sameyn doonaa baaris hadii uu ahaa fal argagixiso," ayaa laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Booliska.

Safaarada ayaa shaacisay in shaqaalaheeda ay ku waxyeeloobeen dhacdada, oo ay baaris u socoto ilaa iyo haatan waxa laga damac-sanaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM