Trump iyo Clinton oo New York ku guulaystay

Image

Iyadoo inta badan la tiriyey codadka doorashada hordhaca ah ee New York ee isreereebka xisbiyada Maraykanka, ayay Donald Trump iyo Hillary Clinton guulo ka gaareen.

Clinton ayaa si aan dhib badnayn uga badisay Bernie Sanders oo la tartamayey, waxayna u sheegtay taageerayaashiisa in ay jiraan wax badan oo midayn kara. 

Trump ayaa isna isu diyaarinaya inuu ku guulaysto ku dhawaad dhamaanba codadka 95ka ergo ee xisbiga jamhuuriga ee loo tartamayey ee gobolka uu ka soo jeedo. 

Khudbadiisii guusha ayuu Trump ku sheegay in Senator Ted Cruz xisaab ahaan marka la fiiriyo uu ka haray tartanka musharaxnimada xisbiga. 

Trump ayaa sheegay in dadka reer New York ay siiyeen guul muhiim ah.

BBC

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM