Trump iyo Kim Jong Un oo kulankoodii labaad uga furmay Vietnam [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Dalka Vietnam ayaa waxaa goordhaw ka fumar kulankii labaad oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi, Kim Jong Un.

Kulanka oo socon doona maanta iyo berri ayaa ka furmay Metropole Hotel oo ku yaalla magaaladda Hanoi, halkaasi oo labada hogaamiya la filayo inay ku kala saxiixdaan heshiis cusub lagu soo celinayo xiriirka Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi.

Trump ayaa gcan qaadey [salaamay] Kim Jong Un, iyadoo dhoola-caddeyna kahor inta aysan galin wadahadalkooda oo la sheegay inuu qaadanayo 20 daqiiqo oo kaliya.

Qodobada miiska u saaran Trump iyo Kim Jong Un waxaa kamid ah barnaamijka Niyukleerka Kuuriyadda Waqooyi, oo Mareykanka uu doonaya in laga taqaluso iyo cunaqabateynta caalamiga ee saaran Pyongyang.

Shirka Hanoi ayaa noqonaya midkii labaad oo labada dhinac yeeshaan, iyadoo midkii ugu horeeyay uu ka dhacay 8 bilood kahor dalka Singapore, kaasi oo taariikh cusub u sameeyy Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi.

Kulankii Singapore wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo Madaxweyne Mareykanka ah la qaato hogaamiye ka socda Kuuriyadda Waqooyi, waxaana uu kusoo beegmay xilli xiisad k jirta gacanta Kuuriya.

Labada dal ayaa isku celinaya meydadka Askar ay iska dileen intii uu socday dagaalkii 1950-1953, iyadoo la is-dhaafsan doono safiirro, si loo xoojiyo xiriirkooda diblomaasi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM