Trump oo cafiyey askar ka howlgashay Soomaaliya oo dambiyo geystay

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa war-saxaafadeed uu Jimcadii soo saarey wuxuu cafis ugu fidiyey laba askari.

Clint Lorance iyo Gaashaanle Mathew Golsteyn ayaa lagu eedeeyay laguna soo dacweeyay dambiyo dagaal oo ay ku kaceen.

Dambiyada ayaa lagu sheegayaa in ay ka geysteen wadanka Afghanistan oo ay kamid ahaayeen xoogagii Washington ee waddankaas.

Labadooda oo ciidamadda gaarka ah ku jira ayaa la rumeysan yahay in ay kasoo howlgaleen dalal kale oo ay ku jirto Soomaaliya.

Maxkamad heer federaal ah oo ku taala gudaha Mareykanka ayaa Lorance waxay ku xukuntay 19-sano oo xarig markii dambiga lagu helay.

Golsteyn ayaa loo xukumay in uu dilay maxbuus aan hubeysneyn kadibna uu jirkiisa baa’biyey. Fal-dambiyeedkaas oo uu qirtay.

Mareykanka ayaa waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga askar boqolaal gaareysa kuwaas oo la dagaalamaya xoogag ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM