Trump oo cunaqabateyn kusoo rogay maal-qabeeno Kenyan ah

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Donald Trump ayaa wuxuu qalinka ku duugay go’aan ka dhan ah todoba maal-qabeeno Kenyan ah, kuwaasi oo "khatar ku ah amniga qaranka Mareykanka".

Maamulka Trump ayaa cunaqabateynta shaqsiyaadkan wuxuu u coksaday inay maalgeliyaan "kooxo argagixiso ah". Wallow uusan farta ku fiiqin ururo gaar ah.

Mareega kasoo baxa magaalada caasimadda ah ee Nairobi, Kenyans.co.ke, ayaa Jimcadda maanta ah, 27-ka September 2019, wuxuu baahiyey macluumadkan.

Website-kan ayaa wuxuu shaaciyey in go’aankan uu kasoo baxay Hanti Dhowrka guud ee waddanka Mareykanka.

Qoraaladda oo warbaahinta loo dusiyey ayaa waxaa si cad loogu faray ganacsatadda Ameerikaanka ah in aysan heshiisyo ganacsi la geli karin dadkan.

"Hantidooda waa lala wareegi doonaa hadii ay sidaasi sameeyaan," ayaa tiri waaxda, sida ku cad dukumiintiyadda oo ka kooban dhowr bog.

Xubnaha liiska madow lagu daray ayaa waxay isugu jiraan qaar ahaan Kenyan rasmi ah iyo kuwa asal ahaan kasoo jeeda dalal ay Soomaaliya ku jirto.

Shaqsiyaadka oo qaarkood uu Mareykanka baadigoobayo ayaa waxay magacyadooda kala yihiin; Sheekh Xasan Xuseen Aadan, Sheekh Xasan Cumar, Xasan Mahad Cumar iyo Xasan Mahat.

Waxaa ku wehliya; Al Masri, Kenyan-Masaari ah, Abd Al Wakil [Cali], Mustafa Cali Elbishy iyo Cabdifitaax Abuukar Cali Cabdi oo ku magac dheer Muhaajir ama Muuse, Soomaali degan Mombasa.

Dhinaca kale, waxaa cunaqabateyn la saarey hay’adda fadhigeedu yahay Garissa ee ka shaqeysa arrimaha gargaarka ee Al-Haramain.

Bishii April 2019-kii ayay ahayd markii dowladda Mareykanka ay iclaamisay in ay jiraan shaqsiyaad Kenyan ah oo taageera olalaha kooxda la magac-baxday ISIL ee gobolka isku faafineysa.

AlShabaab, garabka shabakada Al-Qaacida ee bariga Afrika, ayaa haatan si toos ah uga howlgasha Kenya, halkaasi oo ay ka fuliso weeraro ay ku beegsato ciidanka iyo goobaha bulshada isugu timaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM