Trump oo dharbaaxo kala kulmay dacwad uu gudbiyey

Image

WASHINGTON, US – Maxkamadda Sarre ee Mareykanka ayaa diidey dacwad uu gudbiyey gobolka Texas isla markaana uu taageeray madaxweyne Donald Trump taasoo uu ku doonayay in lagu buriyo guusha Joe Biden.

Talaabadan ayaa dharbaaxo wax ku ool ah waxay ku tahay isku dayo badan oo Trump u sameeyay si uu waxba kama jiraan uga dhigo madaxweynaha la doortey ee ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga dalka Mareykanka.

Sidda laga soo xigtay xeer-beegtadda, ka sokow in mooshinka Taxes uu baalmarsan yahay dastuurka Mareykanka, haddana waxa cabashada la isaga indhatiray tirooyinka Pennsylvania iyo saddex gobol kale.

"Texas ma aysan soo bandhigin dood sharciyeed oo la aqoonsan karo oo ku saabsan qaabka uu gobol kale u fulinayo doorashadiisa," ayay tiri maxkamadda oo go'aankeeda uu soo baxay Jimcadii waqtiga Mareykanka.

Trump ayaa dhowr jeer wuxuu isku dayay in uu meesha ka saaro natiijooyinka doorashooyinkii 3-dii November. Balse waxaa muuqaneysa in dhamaan isku dayadiisa aysan midkoodna uga soo bixin wax guul ah.

Biden oo lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha markii uu helay codad ku filan oo ah Ergooyinka Doorashooyinka ayaa durba wuxuu bilaabay in uu magacaabo mas'uuliyiinta wasaaradaha iyo naqshadeynta maamulkiisa.

Horaanta sanadka cusub ee 2021 ayaa qorshuhu yahay in Trump uu xilka ku wareejiyo Biden kaasoo horey u soo noqdey Senator iyo Madaxweyne ku xigeen. Balanqaadyo qaar dan u ah Soomaalidana wuu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM