Donald Trump oo gaarey UK, jawaab kululna siiyey duqa London

Image
Image
Image

LONDON, UK – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ka degay garoonka Stansted Airport, ee dhaca waqoyga London, isaga oo ay waday diyaaradda Air Force One.

Trump oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kale ayaa waxaa si diiran u soo dhaweysay boqoradda Ingiriiska oo la filayo in uu kulamo lagu adkeynayo xiriirka labadda dowladood ay yeeshaan.

Kahor inta uusan cago dhigan, Trump ayaa Twitter-ka waxa uu uga jawaabey weerarkii cuslaa ee uga yimid duqa magaaladda caasimadda ah ee London, Saadiiq Khan, kaasoo haysta diinta Islaam-ka.

Hogaamiyaha Mareykanka ayaa "nin lagu khasaarey" ku sifeeyay Khan, oo aad loogu bartay mid naqdiya siyaasadda Trump.

Madaxweynaha ayaa xusay in uu "shaqo xun" qabtay duqa, kaasoo dhowr jeer holac kusii shiday dagaalka kala dhaxeeya Donald Trump.

Aadii, Khan ayaa maqaal uu qoray waxa uu ku sheegay in Trump uu lamid yahay xisbiyada midigta fog ee dhaqamada Faashiistayaashii qarnigii 20aad ku raadiya shacbiyad iyo taageero.

"Sadik Khan oo shaqo xun qabtay intii uu ahaa duqa London koontada loogu daray, ayaa si nacasnimo u fasiray booqashada madaxweynaha Mareykanka oo muhiim u ah Boqortooyada Ingiriiska. Isaga waa dhagax-qaboobay oo khasaarey. Diirada ha saaro dambiyada London, ma ahan aniga," ayuu yiri Trump.

Socdaalka Trump ee Ingiriiska oo ay ku wehliso xaaskiisa Melina Trump kaasoo qaadanaya saddex maalmood ah ayaa kusoo beegmaya iyadda oo UK ay ka jirto khalalaaso ku saabsan ka bixitaanka Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM