Trump oo guuldaro kale kasoo hooyey doorashadda

Image

WASHINGTON, US - Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Talaadadi gaashaanka ku dhufatay, isku daygi ugu danbeeyay ee ay Xisbiga Jamhuuriga ku rabeen in madaxweynaha la doortay Joe Biden loogu diido guushii uu ka gaaray gobolka muhimka ah ee Pennsylvania.

Biden ayaa Pennsylvania tobanaan kun oo cod uga badiyay madaxweyne Donald Trump, doorashadii madaxtinimada ee dhacday saddexdi bishii November ee aanu kasoo gudubnay.

Iyadoo aysan wax faah-faahin ah bixinin ayay Maxkamadda Sare diiday in ay joojiso hannaanka shahaadada qirista guusha lagu siinayo Joe Biden.

Guddoomiyaha gobolka Pennsylvania Tom Wolf oo dimoqraadi ah ayaa kal hore saxiixay shahaaddada guusha Biden ee gobokiisa ka hor inta aysan 14-ka bishan December coddeyn ergooyinka leh codka kama danbeysta ee loo yaqaano Electoral College.

Pennsylvania ayaa leh 20 cod, mar walbana waxay ka mid tahay gobollada aadka loogu dagaallamo xilliyada doorashada madaxtinimada Mareykanka oo dhacda afarti sanaba mar.

Joe Biden ayaa doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee bishi hore ka helay 306 codadka loo yaqaan electoral votes, balse wali si rasmi ah looguma dhawaaqin guushiisa. Waxay ku xirantahay marka ay todobaadka danbe kulmaan dhamaan erdgooyinka gobollada Mareykanka ee Electoral College.

VOA

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM