Trump oo Iran ku eedeeyay weerarka safaarada Baqdaad, una hanjabay

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa Iiran ku eedeeyay weerarka lagu qaadey safaaradda Mareykanka ee Baqdaad, caasimada Ciraaq.

Weerarka oo ay qaadeen taageereyaasha falaagadda ay Tehran barataarto ee Xisbullaahi ayaa yimid markii duqeyn looga dilay 25-dagaalame.

Washington ayaa sheegtay in duqeyntaas ay ugu aargudeysay muwaadin Ameerikaan ah. Iran waxayse ku sifeysay "fal argagixiso".

Trump oo ku adkeystay in dibad-baxa uu ahaa mid lasoo abaabulay ayaa ugu hanjabay Iran in ay la kulmi doonto "cawaaqib xumo daran".

Dowladda Ciraaq ayuu ku tartarsiiyey in ay adeegsato "awoodeeda" si ay u badbaadiso Ameerikaanka ku sugan dhismaha safaaradda.

Warbaahinta ayaa ku warantay in safiirka Mareykanka iyo shaqaalaha safaaradda loo daad-gureeyay goobo kale oo ammaankooda lagu sugayo.

Banaanbaxayaasha ayaa burbur u geystay albaabka safaaradda iyo kaamirooyinka qarsoon ee dhismaha.

Muuqaalo laga soo duubay gudaha safaaradda ayaa muujiyey ciidamo hubeysan oo Mareykan ah oo qeybta soo dhaweynta dhufees kaga jira.

Mareykanka iyo Iiraan ayaa waxaa dhextaala xurguf xoogeystay markii uu Trump ka baxay heshiiska dowladaha caalamka la galeen Tehran ee Nuk-liyeerka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM