Trump oo loo coddeeyay in jagada laga xayuubiyo

Image

WASHINGTON, US – Aqalka Hoose ee baarlamaanka Mareykanka ayaa si wada-ogol ah isugu raacay markii labaad in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo ee Donald Trump.

Jago-ka-xayuubinta Trump ayaa loo cuskaday "in uu dhiirageliyey taageereyaashiisa 6-kii Janaayo ku qamaamay dhismaha baarlamaanka iyo in uu ka dhawaajiyo hadalo rabshado abuuritaan ah".

Waa markii labaad oo Golaha Wakiilada Mareykanka u coddeeyo eryida Trump. Markii ugu horeysay waxay ahayd sanadkii 2019-kii.

Dimuqraadiyiinta oo si weyn ugu ololeeyay qaraarka jago ka xayuubinta Trump ayaa si weyn ugu gacan-sareeya Aqalka Hoose ee dalkaas, halka Jamhuuriga oo madaxweynuhu ka tirsan yahay uu maamulo Senate-ka.

Tani ayaa la macno ah in Aqalka Sare uusan taageeri doonin go’aanka Aqalka Hoose, wallow ay jiraan Jamhuuriyiin soo dhaweeyay.

Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykanka kaasoo laba jeer hal muddo xileed dacwad xil ka qaadis lagu soo oogo – waana taariikh madow oo loo diiwaan-gelin hogaamiyaha USA.

Go'aanka Golaha Wakiilada ayaa yimid maalmo kahor inta uusan madaxweynaha la doortey Joe Biden oo dimuqraadi ah uusan xilka ka wareegin 20-ka Janaayo, 2021 wallow Trump uu xusay in uusan xaadiri doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM