Trump oo Madaxweynaha dalka Ruushka ku tilmamaey nin waxgarad ah

Image

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay talaabada u qaaday madaxweynaha Ruushka Mr Putin ee ah inuusan ku dayan dowlada Maraykanka oo horay u ceyrisay diblomaasiyiin Ruush ah kuwasoo loo haysto inay ka dambeeyeen faragalin lagu sameeyey doorashadii Maraykanka ka dhacday. 

Waxaa la eryey shaqaalihii ku sugnaa safaaradda Ruushka ee San Fransico iyo Washington.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa hore u sheegay in uusan musaafurin doonin diblumaasiyiinta Mareykanka. 

Mr Putin wuxuu sheegay inuu sugaayo illaa Donald Trump uu xilka kala wareegaayo bisha January, ka hor inteysan go'aan gaarin. 

Wuxuu xaqiijiyay in caruurta diblumasiyiinta Mareykanka lagu casuumaayo aqalka Kremlin-ka si ay uga qayb galaan dabaaldaga sanadka cusub.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa horey ugu baaqday in dalka Ruushka laga eryo 35 diblmoaasiyiin u dhalatay Mareykanka taas oo jawaab u ah tallaabo taa la mid ah oo ay Washington qaaday maalmihii la soo dhaafey. 

Fariin qoraal ah oo la dhigay barta Twitter-ka ee madaxweynaha la doortay Donald Trump ayaa lagu tilmaamay in madaxweyne Putin uu yahay nin waxgarad ah.  

Dhanka kale John McCain oo horay musharax madaxweyne u soo noqday ayaa ku tilmaamay tilaabada Ruushka lagula xiriirinayo jabsashada aalada internetka ee doorashooyinkii Maraykanka ka dhacay inay ahayd tilaabo weerar ah, ayna tahay in Ruushka uu wajaho abaalkiisa.

BBC

Related Articles

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM