​Trump oo shaqadii ka eryay Xeer ilaaliye guud

Image

WASHINGTON, USA- Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump, ayaa shaqadii ka eryay Xeer ilaaliyihii guud ee dalkaas kadib markii ay ka hortimid go'aanka lagu mamnuucayo qaxootiga ka imaanaya 7 dal oo ku yaalla Bariga dhexe iyo Africa.

Haweenayda lagu magacaabo Sally Yates, oo xilkaas si KMG ah ugu magacaabay Madaxweyne Obama ayaa waraaq u dirtay laamaha caddaaladda dalkaas iyadoo sheegtay inuusan dastuurku ogolaanayn xayiraadda la saaray muslimiinta soo galootiga ah.

Warqad ay u dirtay qareennada wasaaradda cadaaladda Maraykanka, isla markaana lagu daabacay warbaahinta, ayay ku sheegtay in amarka Trump la horgeeyay maxkamado heerar kala duwan leh.

Madaxweyne Trump ayaa awood u leh inuu xilka ka qaado Xeer ilaaliyaha guud, wuxuuna booskaas u soo magacaabay mas'uulka lagu magacaabo Jeff Sessions, kaasoo sugaya inay ansixiyaan golaha Senetka dalkaas.

Tallaabada uu qaaday Madaxweynaha dhawaan la doortay ayaa keentay caro xoog leh iyo dibad-baxyo ay dhigayaan bulshada waddankaas, waxaana ka qayb galay mas'uuliyiin katirsan Xisbiga Dimuqraadiga oo muujiyay inaysan ku faraxsanayn saxiixyada uu samaynayo Donald.

Sidoo kale tiro diblomaasiyiin Maraykan ah ayaa diyaariyay warqad ay ku cambaareynayaan amarkaas oo ay sheegeen in aanu ammaan u horseedi doonin dalka.

Afhayeenka u hadlay Aqalka Cad, oo lagu magacaabo Sean Spicer, ayaa sheegay in laga badbadiyay dhaliisha ku aaddan amarka uu madaxweynaha Maraykanka ku mamnuucayay qaar ka mid ah dadka soo galaya dalkaasi.

Madaxweynihii hore ee dhawaan xafiiska baneeyay Brack Obama ayaa durba muujiyay sida uu ugasoo horjeedo go'aamada uu qaadayo ninkan ku cusub siyaasadda, wuxuuna sheegay in muwaadiniinta dalkaas xaq u leeyihiin inay ka hor yimaadan tallaabooyinka Qaldan.

Trump ayaa sidoo kale waraysi uu siiyey Telefishanka ka hadla arrimaha Masiixiyiinta Christian Broadcasting Network ayaa sheegay dadka Kirishtaanka ah ee u dhashey dalka Siiriya in iyaga la soo dhaweynaayo taas oo muujineysa in go’aankiisu yahay mid diin gaar ah la fuquuqayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM