Trump oo sharaxay sababtuu u joojiyey in la duqeeyo Iiraan

Image

WASHINGTONG, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa xaqiijiyey in uu amar ku bixiyey in la duqeeyo bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan kadib markii ay soo diray diyaarad "jaajuus u ahayd Mareykanka".

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku qirtay in uu hakiyey qaaditaanka talaabadaasi tobban daqiiqo kahor inta aysan duulin diyaaradihii howlgalka fulin lahaa.

Sidda laga soo xigtay Trump, weerar ayaa wuxuu kusii jeeday saddex goobood balse uusan farta ku fiiqin wallow uu tilmaamay in ay geysan lahaayeen duqeymaha khasaaro nafeed oo badan.

Isaga oo sharaxaya sababta uu u joojiyey duulanka oo uu tibaaxey in uu ahaa mid aargoosi ah ayuu daba dhigay "Waxaan u joojiyey markii la ii sheegay in ay ku dhiman doonan 150 ruux".

Sheekadda ku saabsan in Mareykanka uu ka aargudanayo Iiraan ayaa waxaa daaha ka rogay wargeyska afka dheer ee New York Times kaasi oo ku tilmaamay Mr Trump "mid deg deg badan".

Hasa yeeshee, Trump ayaa yiri "Aniga ma ah mid degdeg badan" isaga oo xusay "Ciidamadeena dib baa loo dhisay, waa kuwa cusub, waxayna diyaar u yihiin in ay dhaqaaqaan, waana kuwa illaa iyo hadda dunida ugu fiican.

Arrimahaan oo idil waxay kusoo beegmayaa iyadda oo xiisada labada dowladood u dhaxeysa ee ku saabsan gobolka Bariga Dhexe ay sii kululaaneyso, isla markaana aysan jirin ifafaalo la isugu soo dhowaanayo.

Xudunta khilaafka labada dhinac ayaa ah hubka sida weyn u gumaada ee Nuk-liyeerka kaasi oo Iiraan ay horumar ka sameysaneyso isla markaana Washingtong ay kasoo horjeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM