Trump oo si adag kaga falceliyey hogaamiyeyaasha "ku maadeystay"

Image

LONDON, UK - Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka falceliyey muuqaalka baraha bulshadda qabsadey ee muujiyey qaar kamid ah hogaamiyeyaasha caalamka oo isaga ku maadeysanaya.

Muuqaalka oo aad u kooban waxaa kasoo wada muuqday Justin Trudeau, ra'iisul wasaaraha Canada, Boris Johnson, wasiirka koowaad ee UK, Emmanuel Macron, madaxweynaha Faransiiska iyo mas'uuliyiin kale.

Trudeau oo aad ugu digtay Trump ayaa sheegaya in wafdigiisa uu sawaxankoodu sareeyo isla markaana Trump waqti badan ku bixiyey la hadalka saxaafada kahor waqtiga nasashada ee shirka NATO.

Boris iyo Macron oo waqtigaas kuwada sugnaa qaybta soo dhaweynta ee hoyga boqortooyadda Ingiriiska ayaa waxay ku qosleen hadaladda kasoo yeeray Trudeau.

Trump oo warbaahinta u waramay kadib kulan uu la yeeshay Angela Merkel, ra'iisul wasaaraha Jarmalka, ayaa wuxuu si gaar ah u beegsaday Trudeau.

Kahor inta uusan weerar afka ah ku qaadin Trudeau, Trump ayaa daqiiqado aamusanaa markii war-fidiyeenaddu su'aallo ka waydiiyeen wixii dhacay habeenimadii Talaadda.

"Hagaag, waa laba-wajiile," ayuu Trump ku bilaabay. "Markaan si daacad ah ula hadlo Trudeau, isaga waa shaqsi wanaagsan," ayuu raaciyey.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray: "Waxay dhaliyey in uu iigu maadeysto waa in aan shirka ka sheegay in Canada aysan qaaraan wanaagsan kaga qeyb qaadan NATO".

Gabagabadii, Trump oo aan soo hadal qaadin madaxda kale ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Trudeau "uusan aad ugu farxin" hadaladiisa, isaga oo mar kale ku tartarsiiyey in ay kordhiyaan qoondadooda ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM