Erdogan oo qashinka ku daray warqad "hanjabaad ah" kana timid Trump

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweyne Donald Trump ayaa warqad hanjabaad ah wuxuu u qoray dhigiisa Turkiga, Racep Tayib Erdogan, sidda ay baahisay saxaafadda.

Warqadaas ayaa ku saabsaneyd xiisadda ka dhalatay howlgalka ay Ankara kawaddo waddanka carbeed ee Suuriya.

Mas'uuliyiin Turki ah kuwaas oo codsaday in aan la magacaabin ayaa u sheegay Middle East Eye in ay ka jawaabeen qoraalkaas.

"Warqadda ayaa waxay ku qorneyd luqad adag," ayay sheegeen xubnaha uu soo xigtay wargeyska fadhigiisu yahay magaaladda London. "Ha is-adkeynin, hana iska dhigin nacas," ayaa ku jirtay warqada.

Mid kamid ah xubnaha hadashay ayaa wuxuu intaas ku daray: "Warqadaasi waan duuduubnay kadibna qashinka ayaan ku tuurnay".

"Qoraalka wuxuu soo dhacay 9-kii October, maalin kahor inta uusan bilaaban Howlgalka Xagaaga nabadda," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Dusinta warqadda ayaa kusoo beegantay iyadda oo wafdi ka socda Mareykanka la qorsheynayo in ay ka deganaa magaaladda Ankara.

"Madaxweynaheena wuxuu siiyey jawaabta ugu wanaagsan oo ah in uu bilaabay howlgalka isla maalintii," ayay hoosta ka xariiqeen xubnahaas.

Wafdiga Washington oo uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa waxay baadigoobayaan xabad joojin ka dhaqan-gasha waqoyga Suuriya.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Turkiga, Ahmet Davotoglu, ayaa soo jeediyay in la baajiyo dhamaan kulamadda Mareykanka ee qorsheysnaa.

"Qaranka iyo dowladda Turkiga waa la dacaayadeeyay," ayuu bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka uu soo dhigay Davotoglu, kaasoo cilaaqaad wanaagsan la leh xukuumadda Erdogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM