Trump oo weerar afka ah ku qaadey Saynisyahannada

Image

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saynisyannada isbadalka cimilada ku eedeeyay in ay leeyihiin ajendeyaal siyaasadeed” isaga oo shaki ka muujiyay in banii’aadamku ay masuul ka yihiin kululaanshaha cimilada adduunka.

Trump ayaase dhanka kale sheegay in uusan hadda rumaysnayn in isbadalka Cimilada Adduunku uu yahaywaxba kama jiraaan.

Trump ayaa hadalkan sheegay intii uu waraysiga siinayay barnaamijka telefeshinka CBS ka baxa ee 60 Minutes, wuxuuna ku soo aadayaa wax ka yar toddobaad markii saynisyahannada cimiladu ay soo saareen baaqii ugu dambeeyay ee ku aadan in wax laga qabto cimilada dunida ee sii kululaanaysa.

Saynisyahannada ugu caansan dunidaayaa isku afgartay in isbadalka cimilada dunida ay aadanuhu sababayaan.

Gudiga IPCC oo ah midka ugu horreeya dunida marka ay timaaddo la socoshada cimilada adduunka ayaa ka digay in dunidu ay ku sii socoto kululaansho uu cabirkeedu yahay 3C.

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM