​Trump: Putin Wuu ka Hoggaan Wanaagsan Yahay Obama

Image

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ammaanay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo uu sheegay inuu ka hoggaan wanaagsan yahay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Isaga oo ka hadlayey kulan dadweyne oo uu qabtay taleefishinka NBC, ayaa Trump waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in haddii uu madaxweyne noqdo uu xiriir wanaagsan la yeelan doono Putin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ruushka iyo Mareykanka ay leeyihiin dan isku mid oo ah inay ka adkaadaan kooxda Daacish.

“Russia waxa ay si xun u dooneysaa inay ka adkaato ISIS, si la mid ah sida aan u dooneyno” ayuu yiri Trump oo intaas ku daray in haddii xiriir wanaagsan ay le yeeshaan Russia ay si qarka ka tuuri karaan Daacish.

Donald Trump ayaa dhinac kalena ku celiyey fikirkiisa ah in Mareykanka uu qabsado goobaha saliidda laga soo saaro ee dalka Ciraq.

“Haddii aan qabsano goobaha saliida, ISIS ma jireyso, sababta oo ah ISIS waxa ay ku aas-aasantay awoodda iyo lacagta saliidda” ayuu yiri Donald Trump.

VOA

Related Articles

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM