​Trump: "Shiinuhu Maraykanka ayuu kufsanayaa"

Image

Ninka ugu cadcad murashaxiinta madaxwaynenimo ee xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Shiinaha ku eedeeyay in uu “kufsanayo” Maraykanka, waa dhaliil cusub oo ku wajahan siyaasada ganacsiga ee Shiinaha.

Isu soo bax uu ku qabtay Indiana ayuu ka sheegay in Shiinuhu uu masuul ka yahay “xatooyadii ugu waynayd ee taariikhda dunida”.

Trump oo ah ganacsade bilyaneer ah ayaa in badan Shiinaha ku eedaynayay in uu sarifka lagactiisa u adeegsanayo in alaabada uu dhoofiyo ay noqoto mid tartan ka gali karta suuqyada caalamka.

Taas ayuuna ku tilmaamay in ay aad u dhaawacday Ganacsiga Maraykanka iyo shaqaalahooda.

Trump dadkii uu la hadlayay Axaddii wuxuu u sheegay in aysan sii wadi karin in Shiinuhu uu kufsado dalkiisa.

Sidee Shiinaha looga arkaa

Rai'sal wasaaraha Shiinaha Li Keqiang ayaa sheegay in doorashada Maraykanku ay tahay mid xayi ah, ayna indhaha soo jiidatay, laakiin dad badan oo Shiiinays ah ay uga dhigantahay mid intaas ka ahmiyad wayn.

Ganacsadahaas bilyoneerka ah ee heer New York waxay u arkaan mid dhiirigalin ka muuqado badalkii ay u arki lahaayeen mid liddi ku ah.

Trump Ol'olihiisiii doorashada wuxuu ka sheegay in uu Shiinaha la gali doono heshiis Shirkadaha Maraykank iyo shqaalahaba ka dhigi kara kuwo ka tartama caalamka.

BBC

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM