Tunisia: 37 qof oo ku dhintey qarax lala beegsaday hoteel

Image

Masuuliyiinta Tunisia ayaa sheegay in ugu yaraan 37 qof lagu dilay weerar argagixiso oo lagu qaaday hotel saaran badda Mediterreanean-ka.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in dablay hubaysani ay rasaas ku fureen xeebta u dhow hotel-ka Imperial Marhaba oo ku yaalla magaalada Sousse oo ah goob caan ku ah dalxiisayaal ka yimaadda Yurub iyo dalalka kale Woqooyiga Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha amnigu ay ka jawaabeen weerarka, isla markaana dadka dhintay uu ku jiro mid ka mida dadkii weerarka soo qaaday.

Masuuliyiinta dalka Tunisia ayaa feejignaan dheeri ah ku jiray tan iyo bishii March, markii kooxaha xagjirka ahi ay weerar ku qaadeen goob madxaf ah iyaga oo ku dilay dalxiisayaal badan kaasoo noqonaya weerarkii ugu ba’naa ee dalkaas ka dhaca sannado.

Masuuliyiinta Tunisia ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof lagu dilay weerar argagixiso oo lagu qaaday hotel saaran badda Mediterreanean-ka.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in dablay hubaysani ay rasaas ku fureen xeebta u dhow hotel-ka Imperial Marhaba oo ku yaalla magaalada Sousse oo ah goob caan ku ah dalxiisayaal ka yimaadda Yurub iyo dalalka kale Woqooyiga Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha amnigu ay ka jawaabeen weerarka, isla markaana dadka dhintay uu ku jiro mid ka mida dadkii weerarka soo qaaday.

Masuuliyiinta dalka Tunisia ayaa feejignaan dheeri ah ku jiray tan iyo bishii March, markii kooxaha xagjirka ahi ay weerar ku qaadeen goob madxaf ah iyaga oo ku dilay dalxiisayaal badan kaasoo noqonaya weerarkii ugu ba’naa ee dalkaas ka dhaca sannado.

Xigasho: VOA

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM