Turkey: 55 milyan oo u dareeray doorashada baarlammaaniga ah

Image

June 7, 2015 (GO)- Doorashada guud ee baarlammaaniga ah ayaa maanta ka dhacaysa dalka Turkiga. 55 milyan oo qof  ayaa ka qayb gelaya doorashada, waxayna udub dhexaad u tahay isbeddel la doonayo in lagu sameeyo dastuurka Turkiga.

Afar xisbi siyaasadeed ayaa tartamaya, balse xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Horumarka ayaa dadaal ugu jira sidii uu doorashada guul uga soo hoyi lahaa.

Haddii xisbiga talada hayaa kuraas badan ka helo baarlammaanka, waxaa u fududaan doonta in la bedelo qodobada dastuurka ee xaddidaya awoodda madaxweynaha.

Dastuurka Turkiga ayaa awoodaha maamulka iyo go'aan gaarista siinaya Ra'isal Wasaaraha, halka madaxweynaha xilkiisu yahay mansab sharafeed. 

Gelinka dambe ee maanta ayey doorashadu soo gaba gaboobi doontaa, isla caawa ayaana la shaacin doonaa natiijada hordhaca ah ee doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM