Turkey: 55 milyan oo u dareeray doorashada baarlammaaniga ah

Image

June 7, 2015 (GO)- Doorashada guud ee baarlammaaniga ah ayaa maanta ka dhacaysa dalka Turkiga. 55 milyan oo qof  ayaa ka qayb gelaya doorashada, waxayna udub dhexaad u tahay isbeddel la doonayo in lagu sameeyo dastuurka Turkiga.

Afar xisbi siyaasadeed ayaa tartamaya, balse xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Horumarka ayaa dadaal ugu jira sidii uu doorashada guul uga soo hoyi lahaa.

Haddii xisbiga talada hayaa kuraas badan ka helo baarlammaanka, waxaa u fududaan doonta in la bedelo qodobada dastuurka ee xaddidaya awoodda madaxweynaha.

Dastuurka Turkiga ayaa awoodaha maamulka iyo go'aan gaarista siinaya Ra'isal Wasaaraha, halka madaxweynaha xilkiisu yahay mansab sharafeed. 

Gelinka dambe ee maanta ayey doorashadu soo gaba gaboobi doontaa, isla caawa ayaana la shaacin doonaa natiijada hordhaca ah ee doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM