Turkey: xisbiga AKP oo waayay aqlabiyadda baarlammaanka

Image

Xisbiga haya talada dalka Turkiga, AKP, ayaa doorashadii shalay dhacday ku waayay aqlabiyadii uu ku lahaa baarlamaanka dalkaasi 13-kii sano ee lasoo dhaafay.

Natiijada doorashada ayaa u muuqata in ay caqabad ku noqon doonto madaxweyne Rajab Tayid Erdogan, oo wata qorshe uu ku bedelaya dastuurka Turkiga, si uu u ballaariyo awoodihiisa.

Xisbiga AK ayaa helay boqolkiiba 41 codadkii la dhiibtay, waxaan ra'iisul wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, uu sheegay in ay iska cadahay in xisbiga uu ku guuleystay doorashada.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan axsaabta siyaasadda in ay ka qeyb qaataan hannaanka lagu cusbooneysiinayo dastuurka dalkaasi.

Xisbiga u janjeera Kurdiyiinta dalkaasi ee HDP, ayaa helay wax ka badan boqolkiiba 12 codadkii la dhiibtay, waxaana markii ugu horeysay taariikhda uu ka mid noqonayaa baarlamaanka Turkiga.

HDP ayaa natiijada ku tilmaamay guul usoo hoyatay dimuqraadiyada.

Xigasho: BBC

 

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM