Turkiga: 80 qof oo ku dhimatay weerar ka dhacay Ankara

Image

10 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya inay dhinteen ugu yaraan 80 qof halka dhaawucu kor u dhaafayo boqol iyo Soddon ruux.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay labo qarax oo lala eegtay boqolaal qof oo isugu soo baxay goob tareenka laga raaco kuwaasi oo ka banaan baxayay khilaafka u dhaxeeya dowladda Turkiga iyo kooxda gooni isu taaga PKK.

Ilaa hadda cidna ma sheegan qaraxyada dhacay, waxaana dowladdu sheegtay inay baaritaan ku samaynayso sida wax u dhaceen iyo cidda ka dambeysay.

Ra'isal wasaaraha dalkaasi Ahmet Davutoğlu, ayaa kulan dag dag ah isugu yeeray saraakiisha amniga, isagoo kala hadlay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cida falkan gaystay iyo in dowladdu ka hortagto weeraro noocan oo kale ah kuwaasi Turkiga ka dhaca.

Turkiga ayaa ku jiray feejignaan tan iyo markii uu bilowday weerar ka dhan ah ururka ISIS ee ka dagaalamay qaybo ka mid ah dalalka Bariga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

"Naxariis-darro": Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo dalal shisheeye loo masaafuriyay markii la sii daayay

Falanqeeyayaal ayaa sheegay in masaafurinta khasabka ah ay jebinayso xuquuqda jinsiyadda ee maxaabiista la sii daayay.

  • Caalamka

    13-10-2025

  • 12:15PM

Heshiiska Gaza: Guul Diblomaasiyadeed mise Bilowga Dhamaadka Netanyahu?

Arrintan ayaa khatar gelisay taageerada siyaasiyiinta xagjirka ah ee Netanyahu…

  • Caalamka

    10-10-2025

  • 06:48AM