​Turkiga: Ciidamo weeraray xarun wargays

Image

Ciidamada dowladda Turkiga ayaa xoog ku galay xarunta wargayska caanka ah ee Zamsam kaasoo lagu eedeeyay inuu taageeray mucaaradka waddankaasi.

Saraakiil katirsan dowladda ayaa sheegay in wargaysku aad u buunbuuniyo arrimaha ururada mucaaradka ku ah dowladda, waxayna taasi keentay inay gudaha u galaanta xaruntiisa islamarkaana xayiraan dhammaan shaqada uu hayay.

Maamulka wargayska fadhigiisu yahay Istanbul, waxaa gacanta loo galiyay dowladda, waxaana xaruntiisa tagay ciidamo ay weheliyaan baarayaal ay soo magacawday maxkamad kuwaasi oo amar loo siiyay inay xaqiijiyaan waxyaabaha lagu soo eedeeyay.

Tifatiraha wargeyska Abdulhamit Bilici oo la hadlay shaqaalaha ka hor inteysan boolisku xarruntooda galin, ayaa Jimcihii shalay ku tilmaamay maalin u madow dimuqraaddiyadda.

Dhinaca kale ciidamada ayaa kala eryay dad isugu soo baxay afaafka hore Wargayska Zamsam, waxaana loo adeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa iyo tuubooyinka tuuraya biyaha.

Wargeyska Zaman waxaa akhrista in kabadan hal milyan oo qof, tiradaasi oo ka dhigan in ka badan laba jibbaar tirada dadka akhrista wargeysyada kale ee uu tartanka kala dhexeeyo.

Badi dadka ku nool Turkiga iyo xeel dheerayaasha dhanka saxaafadda ayaa aaminsan in wargaysku sheego xaqiiqada waddanka kajirta, balse dowladda ayaa qabta inuu buun-buuniyo waxyaabaha mucaaradka isagoo lagu xagliyo inuu faafiyo afkaarta dhaq-dhaqaaqa Hizmet, oo uu hoggaamiyo Fethullah Gulen, oo ah wadaad Muslim ah oo ku noolaa dalka Mareykanka.

Wadaadkan, ayaa khilaaf kala dhaxeey Madaxweynaha Turkiga Racceb Tayyib Erdogan, oo mar aad isugu dhawaayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM