​Turkiga iyo Kurdiyiinta oo xabbada joojinaya

Image

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in Turkiga iyo xooggaga Kurdiyiinta ay ku heshiiyeen in ay joojiyaan dagaalka ku dhexmaraya waqooyiga Suuriya.

Korneyl John Thomas oo u hadlay taliska dhexe ee ciidanka Maraykanka, ayaa sheegay in heshiiska aanu cago badan ku taagneyn, balse uu rajeynayo in la adkeeyo.

Koox ka tirsan xooggaga Kurdiyiinta ayaa xaqiijisay jiritaanka xabbad joojinta, balse sarkaal Turkiga u hadlay ayaa ku tilmaamay hakad ay galiyeen howlgaladooda milateri.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa dhawaan sheegay in ciidankiisa ay la dagaallami doonaan dhammaan ururada uu ku tilmaamay argagixisada oo ay ku jiraan Kurdiyiinta.

Xukuumadda Washington ayaa ka walaacsan dagaalka dhexmaray labada dhinac oo ah xulafo uu Maraykanka leeyahay, waxaana ay ugu baaqday in ay xoogga saaraan dagaalka ka dhanka ah ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.

BBC

Related Articles

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM