​Turkiga: Khilaaf ka dhex taagan xisbigay AK

Image

ANKARA- Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay madaxweynaha dalka Turkiga iyo Ra'isal wasaarihiisa, waxaana taasi kaliftay in dhammaadka bishan xisbiga talada haya ee AK uu yeesha kulan dhammaadka bishan. 

Waxay ka arrinsan doonaa qaabka khilaafka labada mas'uul lagu soo afjari karo iyagoo la filayo inay doortaan hogaamiye cusub. Hogaamiyaha xisbiga AK, ahna Ra'iisul wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaan la fileyn inuu u istaago dib u doorasho.

Mr Davutoglu ayaa la sheegay inuu si cad u diiday siyaasado kala duwan oo uu wato madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, gaar ahaan qorshihiisa ku aaddan bedelida dastuurka Turkiga. 

Turkiga ayaa gali doona xaalad siyaasadeed, waxaana laga yaabaa inuu saameeyo arrimo kala duwan oo dalkaasi ku aadan gaar ahaan nidaamyo ay wadaan waddamada reer Galbeedka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM