Turkiga oo dad u qabqabtay weerar hore iyo qarax cusub oo ka dhacay

Image

Dawladda Turkiga ayaa xirxirtay tiro dad ah oo ka soo jeeda qawmiyadda Uighur iyaga oo loo haysto weerarkii lagu qaaday baarka ee lagu dilay 39-ka ruux sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee dawladda.

Waxaa la rumaysan yahay in kuwa la xiray ay ka yimaadeen gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha kuwaas xiriir la leh ninka weerarka gaystay sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu. 

Ra'iisalwasaare kuxigeenka Turkiga, Veysi Kaynak ayaa isna sheegay in ay qarka u saran yihiin soo afmeeridda hawsha ninka weerarka gaystay oo uu sheegay in ay macquul tahay in uu ka soo jeedo qawmiyadda Uighur.

Dhanka kalana Khamiistan qarax ayaa ka dhacay baadiyaha magaalada Izmir oo ku taaalla galbeedka dalka Turkiga.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay labo gaadhi oo gubanaya waxaana la sheegay in toban kalena ay ku dhaawacmeen. 

Sawirro kale ayaa muujiyay wax u muuqda in uu yahay nin mayd ah oo qori watay, warbaahintuna waxay sheegtay in ninkaasi uu ahaa midkii weerarka soo qaaday oo ay booliisku toogasho ku dileen. Wakaaladda wararka ee Anadolu waxaysheegtay in nin labaaadna la dilay laguna raaad joogo midkale oo saddexaad.

BBC

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM