Turkiga oo gaashaanka u daruuray dalab uga yimid Ukraine

Image
Ciidamada Ruushka ayaa ku soo degay dekedaha Badda Madow iyo Azov ee Ukraine taasoo qayb ka ah duullaanka.

KYIV, Ukraine – Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in Turkigu aanu joojin karin maraakiibta dagaalka ee Ruushka ee soo galaya badda madow iyagoo sii maraya xuduudkooda, sida Ukraine ay codsatay, sababo la xiriira qodob ku jira heshiis caalami ah.

Ukraine ayaa ka codsatay Turkiga inay ka horjoogsato maraakiibta dagaalka ee Ruushka in ay maraan marinnada Dardanelles iyo Bosphorus ee u sii jeedda badda madow, ka dib markii Moscow ay Khamiistii qaadday weerar ba’an oo ka dhan ah Ukraine oo isugu jira dhul, cir iyo badda.

Ciidamada Ruushka ayaa ku soo degay dekedaha Badda Madow iyo Azov ee Ukraine taasoo qayb ka ah duullaanka.

Turkigu waxa uu gacanta ku hayaa marin-biyoodka hoos yimaada Axdigii Montreux ee 1936-kii, waxana uu xaddidi karaa maraakibta dagaalka xilliyada dagaalka iyo haddii la handado. Si kastaba ha ahaatee, codsigan ayaa xubinta NATO geliyey xaalad adag iyadoo isku dayaysa inay maareyso ballanqaadkeeda reer galbeedka iyo xiriirka dhow ee Ruushka.

Cavusoglu ayaa intaa ku daray in khubarada sharciga Turkiga ay wali isku dayayaan in ay go’aan ka gaaraan in isku dhaca Ukraine lagu qeexi karo dagaal, kaas oo u ogolaanaya in awaamiirta heshiiska lagu baaqo.

Safiirka Ukraine ee Turkiga, Vasyl Bodnar, ayaa sheegay Jimcihii Kyiv inay "jawaab wanaagsan" ka sugayaan Ankara codsigeeda.

Cavusoglu ayaa sidoo kale ku celiyay mucaaradka Ankara ee ah inay cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogaan Ruushka, mowqifkaas oo Turkiga ka dhigay mid ka duwan inta badan xulafadiisa NATO oo horay ugu dhawaaqay tallaabooyinkan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa jimcihii ku dhaleeceeyay wadamada reer galbeedka inay siiyeen "talo ku filan" iyada oo aan go'aansanin inay la mid noqoto.

Isagoo la hadlayay saxafiyiinta saacado ka hor inta uusan ka qeybgalin shir madaxeedka NATO, Erdogan wuxuu sheegay in xulafada ay ahayd inay mowqif "ka go'aan" ka qaataan gardarada Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.

Turkiga ayaa xiriir dhow la leh Ruushka iyo Ukraine labadaba. Isagoo khudbad ka jeedinayay shir caalami ah oo ka dhacay Ankara Khamiistii, ayuu Erdogan ku sheegay in Turkigu "si daacad ah uga xun yahay" in labada dal ay iska horyimaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM