Turkiga oo in ka badan kun sano ku xukumay hogaamiye

Image

ANKARA, Turkey – Maxkamad ku taala Turkiga ayaa Isniintii waxay Cadnan Oktar oo ah hogaamiye diimeed ay ku xuntay in ka badan kun sano oo xabsi ah kadib markii ay ku heshay 10 dambi oo kala duwan, sidda ay warisay saxaafada.

Maxkamadda Darajada 30aad ee Dambiyadda ayaa sidoo kale waxay xukuntay 236 eedeysane kuwaasoo ay ku jiraan 78 kasoo laabtey damaanad. Gabigooda waxaa loo haystaa in ay dambiyo ku fuliyaan amaradda Oktar.

Sidda ay tabisay warbaahinta maxaliga ah, Oktar oo wadar ahaan lagu xukumay 1,075 sano iyo saddex bilood oo xabsi ah ayaa eedeymo loo jeediyay waxay kala yihiin; aas-aasida iyo hogaaminta urur ku kacay fal-dambiyeedyo, basaasida arrimo milatari iyo kuwa siyaasadeed, maalgelinta ururka FETO, xadgudubyo jinsiyasadeed, jirdil, handadaad iyo daabudida xogo shaqsiyadeed.

FETO waa urur uu hogaamiyo wadaad fadhigiisu yahay Mareykanka isla markaana Ankara u aqoonsan tahay "argagixiso". Fatxulaah Guleen ayuu maamulka Recep Erdogan ku eedeeyay afgembigii milatari ee dhicisoobay.

64-sano jirkaan leh telefishin ayaa 2018-kii lala xiray 200 shaqsi kale kuwaasoo lagu eedeeyay tacadiyo jinsi ah iyo qafaalashada dad laga tiro badan yahay.

Telefishinka Oktar ayaa faafiyey muuqaalo muujinaya asaga oo ay ku hareereysan yihiin haween uu ku sifeeyay "bisadihiisa [mukulaal ama yaanyuur]".

Tarkan Yavas, oo kamid ah eedeysaneyaasha, ayaa 211-sano oo xarig ah waxaa loogu uxkumay in uu kamid ahaa hogaaminta ururkaas, kufsi ka dhan ah dad laga tiro-badan yahay, xadgudub jinsi, iyo u been sheegida saraakiisha garsoorka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM