Turkiga oo ka hadlay heshiiska Sacuudi Carabiya iyo Qadar

Image

ANKARA, Turkey  - Turkiga ayaa soo dhoweeyay go’aanka dib loogu furay xadka Sacuudiga iyo Qatar wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga oo bayaan soo saartay ku qeexdey in ay tahay "tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xallinta khilaafka".

Wasaaradda ayaa sidoo kale amaantay dadaalada ay wadaan Kuweyt iyo dalal kale ee caalamiga ah ee ku aadan joojinta dhibaatada.

"Rabitaankeenu waa in khilaafkan si buuxda oo joogto ah loo xaliyo iyadoo lagu saleynayo ixtiraamka wadajirka ah ee madaxbanaanida wadamada iyo in cunaqabateynta kale ee saaran Qadar sida ugu dhaqsiyaha badan looga qaado," ayaa lagu yiri bayaanka.

Xadka u dhexeeya Qatar iyo Sacuudiga waa furan yahay, laakiin ma jirin goobjoogeyaal ka gudbaya illaa iyo hadda, sida ay sheegeen wariyeyaasha Aljazeera ee jooga sohdinta Abu Samra.

"Jawigu waa xasilloon yahay, laakiin saraakiisha kastamku waxay ku jiraan shaqadoodana dhammaan tiirarka socdaalka way furan yihiin,”  ayuu xadka ka soo warramay wariyaha Aljazeera ee Sorin Furcoi.

Wuxuu ku daray: “Dhallinyaro reer Qatar ah ayaa gaari u waday dhanka xadka. Waxaan arkay sagaal - 10 baabuur oo istaagaya si ay ula xaqiijiyaan booliska taraafikada oo ku yaal halka laga soo galo barta xuduuda; runtii waa furan yahay xuduudka".

Bishii Juun 2017, wadamada  Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar - ayaa go'doomiyey Qatar, waxayna cuskadeen "inay taageerto argagixisada iyo inay aad ugu dhowdahay Iran" iyaga oo u jaray xiriirkii dhaqaale iyo diblomaasiyadeed.

Afartaas dal waxay sidoo kalr xayiraad dhulka, badda iyo cirka ah saareen Qadar.

Qatar ayaa si isdaba joog ah u beenisay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay in aysan jirin "cudurdaar sharci ah" oo ku saabsan xiriirka loo jaray.

Kuweyt waxay tan iyo xilligaas dhexdhexaadin ka dhex waday Qadar iyo afar dal oo carbeed.

Xirnaanshiyaha xuduudaha ayaa ahayd mid kamid ah shuruudihii ugu horeeyay ee ku xirnaan in dhinacyaddu wadahadlaan, waxaana loo arkayey in aysan macno lahyn hadii la shiro ayadda oo xayiraadda jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM