​Turkiga oo shixnad gar-gaar ah u diray Somalia

Image

Dowladda Turkiga ayaa 11 tan oo gargaar ah Axaddi, u dirtay Somalia, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta hay’adda masiibooyinka iyo arrimaha degdegga ah ee Turkiga.

Fuat Oktay, oo gudoomiye u ah hay'addaasi sheegay in markabka sida gargaarka uu ka shiraacday dekadda Haydarpasa, ee  magaalada Istanbul.

Fuat, ayaa sheegay in muddo 5 sano ah ay caawinayeen Somalia, lana rajaynayo in 15 cisho gudahood uu gargaarkaas ku gaaro.

Turkiga ayaa lacag dhan 500, oo milyan oo dollar ku bixiyay gargaarka uu siiyay dalka Somalia muddadii uucaawinayay.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli baahi badan iyo barakac uu ka dhacay qaybo kamid ah dalka Somalia, kuwaasi oo sabab u noqdeen colaadaha iyo abaaraha ka jira meelo badan oo waddanka ka mid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM