Turkiga oo soo badbaadiyey tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan

Image

ANKARA, Turkey – Ciidamadda ilaaladda xeebaha Turkiga ayaa Sabtida maanta ah soo badbaadiyey 26 soo-galooti ah kuwaas oo doonayay in ay dhanka badda ka galaan qaaradda Yurub, sidda ay qortay warbaahinta gudaha.

Saxaafadda maxaliga ah ee waddanka Turkiga ayaa waxay warisay dowladda Greek ay muhaajiriintaas dib u soo celisay badda.

Magan-galyadoonayaasha oo ka baxay xeebta Turkiga ee Aegean ayaa damacsanaa in ay gaaraan Jaziiradda Lesbos ee dalka Gariiga.

Kooxdan lasoo badbaadiyey oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Afghanistan iyo Bartamaha Afrika, sidda ku xusan warbixinta, waxaa qabtay ciidamadda ilaalada xeebaha Gariiga oo dib ugu soo celiyey biyaha Turkiga.

"Kadib markii ay soo badbaadiyeen, mas'uuliyiinta Turkiga ayaa siiyey cunto iyo dhar," ayay wakaaladda wararka Anadolu ku warantay. Laba caruur ah iyo shan dumar ah ayaa kamid ah dadkaan lasoo badbaadiyey.

Anadolu ayaa intaas ku dartay in xaalada caafimaad ee dadkaan ay tahay mid wanaagsan, balse ma shaacin talaabada xigta ee laga qaadayo.

Turkiga waa mid kamid ah marinada ugu badan oo ay adeegsadaan tahriibayaasha doonaya in ay gaaraan Yurub tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee Suuriya. Hadda wuxuu qaabilay ku dhowaad 4 milyan oo qaxooti ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM