Turkiga oo xerro uu ka dhisay Qadar ugu magacdaraya Khalid bin Walid

Image

DOOXA, Qadar – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wuxuu shaaciyey in la dhameystiray dhismaha saldhig milatari oo ay ka hirgeliyeen waddanka Qadar.

Erdogan oo la hadlayey askarta Turkiga ka joogta Qadar oo tiradoodu tahay shan kun ayaa sheegay in xeradan ay xoojineyso nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Saldhiga cusub oo dhismihiisa ay qaadatay muddo sanado ah ayaa waxaa si wadajir ah uga howlgeli doona ciidamadda milatariga dalalka Turkiga iyo Qadar.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Erdogan ayaa daboolka ka qaaday in xeradda cusub loogu magacdari doono Saxaabiga caanka ah ee Khaalid binu Waliid.

Khaalid waa mid kamid ah Jeneraaladda Muslimiinta kuwooda ugu wanaagsan ee hogaamiyey ciidamadda Nabi Maxamed NNKH, qarnigii todobaad.

Sidoo kale, waa xeeldheere aad u yaqaana xeeladaha dagaaladda, taas oo keentay in Nabi Maxamed uu ugu yeero "Seeftii Alle".

Hogaamiyaha Turkiga ayaa booqashadiisa Qadar kusoo aadeysaa xili Dooxa dooneyso in ay ka iibsatay Ankara 100 xabo gaadiid oo kuwa dagaalka ah.

Qadar iyo Turkiga ayaa waxay leeyihiin xiriir wanaagsan kaasoo xoogeystay kadib go'doomintii ay Dooxa geliyeen wadamadda Khaliijka.

Ankara ayaa xayiraadaas kadib u gurmatay Qadar oo ay siisey taageero maaliyadeed, mid milatari iyo maciishadda oo aad ugu yaraatay.

"Marnaba kama tagi doono saaxiibadeena taariikhiga ah ee wajahaya halista iyo hanjabaadda, marnaba kama tegi doono," ayuu Erdogan ku adkeystay.

Bishii June 2017-kii, Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa ku dhaleeceeyay Qadar in ay taageerto argagixisadda, eedeyntaas oo ay Dooxa beenisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo Putin Ka Dalbaday Taageero Kadib Weerarka Maraykanku ku Qaaday Iran

Inkastoo Putin uu cambaareeyay duqeymaha Israa’iil, haddana weli kama hadlin weerarradii Mareykanka.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 12:34PM

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM