Canug dhalnaa laba bilood oo ku dhex-geeriyooday diyaarad

Image

PERTH, Austria – Gabar dhalan laba bilood taasi oo uu magaceedu yahay Farax ayaa waxay ku dhex-dhimatay diyaarad kasoo duushay Malaysia kuna sii jeeday magaaladda Perth ee Austria.

Si dhab ah looma ogga waxay keenay geerida. Si lamid ah, lama xaqiijin karo hadii uu jiray xanuun horey u hayey.

Balse waalidkeeda ayaa shaaciyay in Inanta ay si aan kala joogsi lahayn u oyneysay kahor inta aysan nafta ka bixin.

Qoyska ayaa qiray caawimaaddii ay waydiisteen shaqaalaha diyaarada ay socdeen oo ahayd AirAsia ay u helayn sida ugu haboon.

Reerka oo kasoo jeeda Sacuudiga ayaa ka koobnaa Hooyo iyo Seygeeda ayaa u socday in ay nolol cusub ka bilowdaan Austria.

"Markii gabdhu bilowday in ay ruux baxdo … waalidiinta waxay bilaabeen in ay Qur'aan ku akhriyaan," ayuu yiri qof Rakaabka kamida.

Maamulka shirkada diyaaradda ayaa tacsi u diray ehelka ay ka dhimatay marxuumada, sida laga soo xigtay Australian Associated Press.

Booliska oo markii ay diyaarada soo cagadhigatay garoonka lagu war-geliyay kiiskaan ayaa la cararay xarumaha caafimaadka. Hasayeeshee, geerida ayay sii xaqiijiyeen.

Dhacdadaan oo ah mid naadir ah ayaa waxay noqotay tan loogu hadalhaynta badan yahay gudaha wadankaasi Austria iyo dunida inteeda kale, iyada oo ay wax ka qorayaan qaar kamida wargeysyada dunida ugu caansan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM