UK oo lacag dul-dhigtay Soomaali ay ku raadjoogo muddo laba sano ah

Image

LONDON, UK – Ciidamada booliska Ingiriiska ayaa waxay lacag dul-dhigeen madaxa Soomaali ay baadigoobayaan muddo laba sano ah. Cabdi Cali waxaa lala xiriirinayaa dil ka dhacay magaalada Cleethorpes.

Falkaas ayaa waxaa lagu khaarijiyey Shaun Lyall, 47-jir, meydkiisa laga dhex-helay guri uu ku noolaa bishii July, 2018-kii. Bileyska wuxuu ka dhawaajiyey in jirkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo jireed oo gaaraya 170.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in qofkii keena xog lagu soo qaban karo Cabdi ay siin doonan aduun dhan $6,666 oo doolar.

Kiiskan waxaa horey xabsi daa'in loogu xukumay Craig Whittle kaasoo lagu waramay in ay fal-dambiyeedka isla geysteen. Xeer-ilaalinta waxay ciidanku siisay bawlo ay kusoo qaban karaan eedeysanaha labaad.

Warka qoraalka ee Booliska oo rayidka loogu sharaxay astaamaha lagu aqoonsan karo Cabdi ayaa lagu yiri "Ilkahiisa hore waa dahab, wuxuuna badi adeegsadaa magacyadda Madman, Madders ama Gulaid".

Cabdi Cali oo ku dhashay Soomaaliya ayaa wajihi kara xukun xabsi daa'in ah hadii maxkamad lasoo taago laguna helo dambigaas.

Saxaafadda Britain ayaa warisay in Cabdi Cali uu ka tirsan yahay koox burcad ah oo ciidamadda Cleethorpes aad u doon-doonayaan.

Fal-dambiyeedyadda ay kamid yihiin dhaca iyo dilalka loo adeegsado Tooreyda ayaa ku badan gudaha Ingiriiska, iyaddoo qaarkood ay ku lug-yeeshaan dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo xukuno culus lagu rido.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM