Ururka Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay go'aanka ICJ

Image

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweysay tallaabada Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ ku ogolaatay inay qaado kiiska ku saabsan muranka dhanka badda ee dhexyaalla dalalka Somalia iyo Kenya.

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit, ayaa sheegay inuu  ku faraxsanyahay tallaabada hormarka leh ee maxkamaddu horay u qaaday, isagoo xusay inay muhiim tahay sidii loo calaamadayn lahaa meelaha muranku ka jiro.

Aboul-Gheit, ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in labada dal murankooda u maraan qaanuun caalami ah isagoo intaas ku daray inay ilaaliyaan saaxiibtinimada, walaalnimada iyo daris wanaaga ka dhaxeeya.

Isagoo sii hadlaya wuxuu muujiyay sida Ururka Jaamacadda Carabta u garab taaganyihiin dalka Somalia oo ku ammaanay hormarka iminka ay lugaha lasii galeen.

Xoghaya ayaa arrintan kaga hadlay war-saxaafadeed soo baxay maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay, kadib markii Khamiistii hore Maxkamadda ICJ aqbashay inay qaado dacwadda Somalia u gudbisay April 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM