Sheekh Soomaali ah oo lagu eedeeyay tacadi jinsi oo lasoo tarxiilayo

Image

WASHINGTON, US – Shaqsi Soomaali ah, oo la sheegay in uu wadaad ka ahaa magaalada Houston, gobolka Texas ee Mareykanka, ayaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay afar caruur ah tan iyo 2013-kii.

Maxamed Cumar Cali, 59-jir, oo la xiray todobaadkii hore ayaa wajahaya saddex dacwadood oo ah in uu si sharci darro ah ku haystay caruur iyo hal dacwad oo ah in uu tacadi ah jinsi ah kula kacay caruur.

Mas'uuliyiinta ayaa qoraal ku sheegay in Cali uu "si miyir leh ula haasaawayey caruurta" tan iyo dhamaadka sanadkii 2013-kii.

Cali ayaa ahaa Imaam Masjid iyo Macalin Dugsi Qur'aan. Ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya eedeymaha loo haysto.

"Waxaan aaminsanahay in dhibaneyaashiisu isugu jiraan kuwa degaanka ah iyo qaar muwaadiniin ah," ayuu lagu yiri warka qoraalka.

Bayaanka ayaanan lagu soo bandhigin magacyadda caruurta la sheegay in uu "faraxumeeyay" Maxamed Cumar Cali.

Eedeysanaha oo haatan ku jira xabsi ay maamusho Hay'adda Socdaalka ayaa la filayaa in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo.

Warbaahinta Mareykanka qaarkeed ayaa ku warameysa in ay suurtogal tahay in lasoo tarxiilo isla markiiba lasii daayo "maadaama dambiyaddu ku cad-cad yihiin".

Soomaali badan ayaa horey loogu xiray Mareykanka iyagoo lala xiriirinayo argagixiso ama fal-dambiyeed ay ku lug-yeesheen, hase ahaatee, gal-dacwadeedka lagu soo oogay Maxamed waa mid naadir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM