USA: weerar lala beegsaday kaniisad, sagaal qof oo dhimatay

Image
Image

June 18, 2015 (GO)- Sagaal qof ayaa ku geeriyoodey weerar lala beegsaday kaniisad qadiim ah oo dadka madowga ahi leeyihiin kuna taalla magaalada Charleston ee gobolka Koonfurta Karolina ee dalka Maraykanka.

Madaxa Booliska Charleston, Gregory Mullen ayaa sheegay in siddeed kamid ah dadkaas lagu diley gudaha kaniisadda, halka midka sagaalaad uu geeriyoodey intii isbitaalka loo sii wadey.

Booliska ayaa raadinaya haweeney caddaan ah oo ku jirta da'da labaatameeyada, tasoo lagu tuhunsan yahay inay fulisey weerarka oo loo adeegsaday qori nooca daran doorriga u dhaca ah.

" waxan rumeysanahay in fal-dambiyeedkaasi ahaa mid ku saleysan nacayb" Mullen ayaa sidaas yiri.

Clementa Pinckney oo ahaa senator laga soo doortey gobolka Koonfurta Karolina islamarkaana isgu maalgelin jirey kaniisadda la wareeraray ayaa kamid ah dadka geeriyoodey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM