Vienna: barnaamijka Nuclear-ka Iran oo heshiis laga gaarey

Image

Kaddib bilo wadahadalo ah, waxaa laga gaaray heshiis taarikhi ah barmaanijka Nukleerka Iran.

Bilowgii kulankii ugu dambeeyay ee wasiirada arrimaha dibadda Iran iyo 6-da dal ee quwadaha adduunka ee Vienna, ayey madaxa siyaasadda Midowga Yurub, Federica Mogherini, sheegtay in heshiiska lagu arkay in diblomaasiyadda ay wax ka qaban karto xiisado tobanaan sano taagnaa.

Faahfaahinta qodobada lagu heshiiyay ayaa shir jara'id looga dhawaaqi doonaa kulanka kaddib.

Wariyaha diblomaasiyada BBC-da ayaa sheegaya, inay u muuqato in Iran ay ogolaatay in baarayaasha Qaramada Midoobay ay xaqiijiyaan, meelmarinta hakinta howlaha Nukleerka Iran.

Heshiiska ayaa la filayaa inuu dajiyo jadwal cunoqabateynta caalamiga looga qaadayo Iran.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM