Vienna: wada-xaajoodkii Nuclearka oon heshiis laga gaarin

Image

Wadaxaajoodka ku aaddan barnaamijka nukliyeerka Iran, ayaa dhaafay xilligii loo qabtay in heshiis looga gaaro.

Wefdiga Mareykanka uga qeybgalaya wadaxaajoodka ayaa sheegay in dhawaan la ay kala cadaan doonto in heshiis la gaari karo iyo in kale.

Dhinacyada ayaa isla gartay in wadaxaajoodka ka socda magaalada Vienna, la sii wado ilaa maalinta Jimcaha ah.

Lixda dal ee dunida ugu tagta roon ayaa doonaya in heshiiska lagu qoro luuqad la isla fahmi karo, taasoo cadeyneysa in Iran aysan sameysan karin hubka nukliyeerka.

Iran ayaa ku doodeysa in aanay ku talla jirin sameysashada hubkaasi wax gumaada.

Mareykanka ayaa doonaya in sida ugu dhaqsaha badan heshiis u cuntama laga gaaro nukliyeerka Iran.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM