WHO oo ka digtay khafiifinta xayiraadaha safmarka Coronavirus

Image

NEW YORK, US - Madaxa hay'adda caafimaadka adduunka (W-H-O) ayaa ka digay in xilligan la debciyo xayiraadaha ay dalalka soo rogeen Fayraska Korona awgii, isagoo sheegay in cudurka uu hadda galay xaalad khatar ah.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Khamiistii uu keliya ay W-H-O diiwaangelisay in ka badan 150,000 oo kiis oo cudurka ah, taasoo ah tiradii ugu badneyd ee maalin qura la shaaciyay.

Waxa uu intaa raaciyay inuu dareensan yahay dhibaatada ay xayiraadaha ku hayaan bulshada iyo dhaqaalaha, balse waxa uu ku baaqay in dalalka ay muujiyaan taxadar dheeraad ah.

"Fayrasku weli si xawli ah ayuu u faafayaa, waana mid dilaa ah oo dad badan ku dhici kara. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dalalka caalamka iyo shacabkaba inay muujiyaan taxadar dheeraad ah, ayna joogteeyaan kala fogaanshaha, in guryaha ay joogaan dadka xanuunka qaba, la daboolo afka iyo sanka marka la qufacayo, maaskaraha la xirto marka ku haboon, iyo in gacmaha la dhaqo," ayuu yiri Dr Tedros.

Digniinta W-H-O ayaa kusoo beegmaysa xilli dalal ay kamid tahay Britain ay hoos u dhigeen heerka khatarta cudurka, isla markaana ay dowladuhu qaadeen xayiraado badan oo dalalkooda saarnaa.

Dhanka kale mas'uuliyiinta caafimaadka ee Shiinaha ayaa sheegay in nooca fayraska maalmahan ku faafayay caasimadda Beijing ay suuragal tahay inuu uga yimid dhanka Yurub.

Guud ahaan caalamka oo dhan ku dhawaad 8.5 milyan oo qof ayaa qaaday cudurka, halka in ka badan 453,000 ay u dhinteen.

BBC

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM